Saraakiil Ka Tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Ku Baxay Xiisado Ka Taagan Hiiran
Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27aad iyo saraakiil kale oo katirsan guudada 5 aad qeybta 27aad ayaa siwada jir ah ugaaray deeganka kalabeyr oo 25km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baladweyneee xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo ay maalmahaan ka jireen shiqaaqoyin qabiil.
Maxkamada ciidamada oo ka duuleyso awaamirtii madaxda sare ee dalka ayaa kulan la qaadatay odiyaasha dhaqanka deegankaasi oo ka kooban labada dhinac oo ay dirirtu dhaxmartay.
Odhiyaasha dhaqanka deeganka ayaa si wada jir ah usoo dhaweeyay shaqada ay maxkamadu kawado deeganno dhowr ah sida deegaanka jawiil iyo xadka Galgaduud iyo Hiiraan oo maalma kahor ay ku guuleysateen inay hishiis kala dhaxdhigaan dadkii ku dagaalamayay.
Ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Gaashanle Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo baaritaanno ka bilabi goobta ow dilka ka dhacay ayaa codsaday in sharciga ay gacan ku siiyaan si looga gul gaaro qaswadayaasha.
Guddomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27aad Gaashanle Maxamad Amiin Cabdule Aadan ayaa odoyaasha usheegay in cid walba oo isku dayda in ay kiciso shaqaaqa qabiil ay maxkamadu gacan birah ku qaban doonto.
Goobjoog News