Soomaaliya oo Jago Fiican Ka Heshay Qaramada Midoobey
Sheeko:Arrimaha Amniga
Abuukar Baalle oo ah safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ayaa loo doortay inuu guddoomiye ku-xigeen ka noqdo kulanka 75-aad ee jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa.
Mas’uuliyiinta Soomaalida ah ee horay usoo noqotay:
1963-64 H.E. Hassan N. Elmi 1979-1980 H.E. Abdirisak H.
Hussen/H.E. Ahmed M. Adan”Qaybe” 1986-87 H.E. Abdullahi S. Osman Abuukar Baalle, haddii uu Guddoomiyaha maqan yahay ayuu qaban-doonaa:
- Waxaa uu guddoominayaa fadhiga.
- Fadhiyada isaga ayaa furaya oo hadana xiraya.
- Waxaa uu maamulayaa doodaha socda.
- Dadka ayuu hadalka u qeybinayaa.
- Waxaa uu xirayaa liiska inta hadleysa.
- Waxaa uu shaacinayaa waqtiga la hadli karo.
- Cod ayuu gelinayaa haddii codeyn jirto.
- Go’aannada soo baxa ayuu ku dhawaaqayaa.
- Inta jeer ee mas’uul dowlad matalo uu hadli karo ayuu xadidaa.
- Waxaa uu dib dhigi karaa kulanka ama xeri karaa
- Waxaa uu laali karaa kulanka ama joojin karaa.