U bood dhigaalka

Putin oo Dartii Laa Badalayo Dastuurka, Siina Joogaya Ilaa 2030-ka

Dib u eegis lagu sameeyey qodobbo dastuuri ah ayaa ka dhacday dalka Ruushka, codadka ilaa hadda la tiriyey  77.9%  waxaa ay taageereen in wax laga badalo, sidaasi waxaa sheegay guddiga doorashada.

Dib u eegista waxaa ay meesha ka saareysaa madaxweyne Putin oo muddo xileedkiisu kama dambeyta ah uu dhammaanayo  2024, waxa ayna ka dhigeysaa inuu isa soo sharaxo 6 sano kale.

Hadda, Putin waa madaxweynihii ugu muddada dheeraa ee Ruushka cusub tan iyo xilligii hoggaamiyaha Joseph Stalin.

Goobjoog News