Khasaare Ka Dhashay Israsaseen Ka Dhacday Garas Baaleey
Sheeko:Arrimaha Amniga
Wararka laga helaayo deegaanka Garas Baaleey ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay shegayaan in ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ay toogteen, nin hubeysan kaas dil u geystay askari ciidamada ka tirsan.
Ninka hubaysan ayaa weeraray ciidamo ku sugan deegaanka isaga oo toogtay mid kamid ah askarta, waxaana intaas xigay in ciidamadii kale ay rasas dhowr ah u ridaan ninkii hubeysnaa, taas oo dhalisay in uu ku geeriyoodo goobtaasi
Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer deegaanka Garas Baaleey ku toogtay rag hubaysan, kuwaas oo toogtay ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana jirin wax war ah oo weli ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda.
Goobjoog News