Xarunta Dambi Baarista CID oo Shaqadeedii Dib u Bilowday
Hoggaanka Baarista dembiyada ee CID, ayaa shaaciyay in maanta oo talaado ah taariikhduna ku beegantahay 14-ka bisha July ee danadka 2020, dib ubilaabiday adeegyadii ay u qaban jirtay Ummadda Soomaaliyeed ee doonay warqada dembi la’aanta.
Hoggaanka Baarista dembiyada ee CID ayaa sidoo kale sheegay in la soo diyaariyay hab raacyo cusub madaama uu wali jiro qatarta cudurka safmarka ah ee Covid19 iyadoo laga taxadirayo bad-qabka bulshada Soomaaliyeed ee adeegyada soo doonanayo.
“Hadaba, waxaan ummaddeena sharafta leh ogeysiinaynaa inay nala dhowraan hab-raacyada loo diyaarshay, si,aan uwada ilaalino Badqabka, Xakameynta, Amniga iyo Nadaafada guud, iyada oo laga Soo gelidoono irida gadaale. Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in maalintii la qabanayo 50% tiradii hore loo qaban jiray oo ah 150 qofood maalintii. Halka,taasi oo ah habraacyada xakameynta cudurka Karoona,waxaa kaloo intaa dheer in muwaadiniinta ku sugan dibada ay ka codsankaraan safaaradaha dalalka ay ku suganyihiin.
Ugu dambeyn waxaa bulshada la faray in qof walbo uu soo qaato af-xirka (Mask).inuu qof kale soo wadan si loo yareeyo isdhaxgalka badan iyo inuu yimaado xilliga 06:00 subaxnimo.
Goobjoog News