Dowladda Soomaaliya Oo Fasaxday Dhammaan Hawlihii U xayirmay La Dagaalanka Covid-19
Golaha wasiiradda Soomaaliyaa yeesheen kadib ceyrintii Xasan Cali Kheyre ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaalioya fasaxday dhamaan adeegyadii u xayirmay faafida cudurka Covid-19.
Siihayaha Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka war bixiyay natiijada kulanka ayaa yidhi “ golaha waxa uu go’aamiyay maadaama uu hoos u dhacay xanuunka Covid-19 in si dhaqaallaha dalka dib kaco dib loo furo garoomada diyaaradaha, iskuulada, jaamacaddaha iyo goobaha kale ee xiran”.
Siihayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shir ay yeesheen golaha wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dib u furidda dhammaan adeegyadii iyo shaqooyinkii u xirmay la tacaalidda COVID19.
Halkan Ka Daawo Sii Haya Wasiirka Warfaafinta Oo Sharxaya
Goobjoog News