Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka hadlayey sanadguurada 22aad ee dowlad goboleedka ayaa dowladda federaalka ah ku eedeeyey iney la timid xadgudbyo dhanka dastuurka ah isaga oo intaa raaciyey in sidoo kale ay sharci darro tahay dhismaha guddiga adeegga dastuurka.
Mudane Saciid Deni oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri” Dowladda waxaan ugu baaqayaa in ay ixtiraamto Dastuurka, muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa socda xadgudubyo dastuur oo dhowr ah, kuwo horay ayaan u sheegay ma rabo inaan ku noqdo, kuwa hadda socda waxaa ka mida xukuumaddii dhacday oo sida sharci darrada ah loo riay oo sida sharci darrada ah ra’iisalwasaaraha hadda xilka sii hayo uu ku joogo oo dadkoodii indhuhu ka fiirsadeen. Hadda ayey waxay sixiixeen golaha adeegga Garsoorka oo qodob aad muhiim ugu ah dowlad dhiska Soomaaliya oo hey’adda sedexaad ee aasaaska u ah weliba sharciga oo weliba uu ka dhalan doono hey’addii maxkamaddii dastuuriga ah, Sida sharci daarada ah ee loo maray iyo iyaga oo awood u laheyn in ay sixiisaan oo garyaqaanadii ay ka qaylisay, oo bulshada rayidka ah ay kaqeyliyeen oo cid weliba ay sheegtay waxaan leeyahay dowladda Soomaaliyeed aniga oo dhahaya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo arrintaa haka digtoonaato , dalkaan hadda ayuu soo kabanayaa yaan dib loogu celin kala burburkii, qodobkaas waa qodob muhiim ah.
Mar uu ka hadlayey Kheyraadka iyo Shidaalka: Arrinta ku saabsan kheyraadka iyo Shidaalka yaan lagu kadsoomin, caalamka waxaan u sheegayaa hantida umadda Soomaaliyeed iyadoo heshiis ku aheyn ciddii gadata ayaa mas’uul ka ah, Puntland waxaa ay sheegtay xeerkaas kama tirsana, guddiga la yeegaayey cid kuma darsan, dowaladda hadda afarta bilood u hartayna, haddii ay ra’iisalwasaare sax ah haddii ay soo magacowdaan in ay arrintaas isku mashquuliyaan maahan.




From the comments