Taliska Booliska Soomaaliyeed oo Taliye u Magacaabay Dhuusamareeb
Sheeko:Arrimaha Amniga

Taliyaha ciidamada booliska Soomaalioyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa maanta wareegto uu soo saaray waxaa uu taliye Boolis ugu magacaabay, saldhigga boolika Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug. kadib markii dhowaan uu iscasilay taliyihii hore.
Wareegtada ka soo baxday taliye Xijaar ayaa Dhamme Nuur Cilmi Maxamed loogu magacaabay taliyaha booliska magaalada Dhuusamareeb, taliya cusub ayaa waxaa horay taliye uga soo noqday Saldhigyada Booliiska ee Cabudwaaq iyo Xeraale.
Goobjoog News