U bood dhigaalka

Bandhig Buuga Oo Ay Ka Qayb Galeen ,Inta Badan Bulshada Ku Nool Magaalooyinka Finland Ayaa Lagu Qabtay Dalkaas

Sheeko:War

Caasimada labaad ee wadanka Finland waxaa lagu soo bandhigay buuwaag kala duwan uu qoray afyeenkii hore Wasaarada Amniga Soomaaliya  Cabdicasiis Xildhibaan waxaana ka qeyb galay aqoonyahano,dhallinyaro,culumo,haweenka iyo xildhibaanada heer deegaan ee magaalada Turkuu ee dalka Finland.

Qoraa Cabdicasiis Xildhibaan horay u soo noqday afayeenka wasaarada Amniga ayaa u mahad celiyay qurboogta ku nool caasimada labaad ee Finland sida wanaagsan ay u soo dhaweyeen wuxuuna ka sheekeeyay maraaxishii ay soo maareen buuwaagtisa.

Si kastaba dhallinyarada magaalada Turkoo ee caasimada labaad ee Wadanka Finland ayaa mudooyinkii danbe waday in ay casuumaan dadka wax galka ah ee Soomaaliyeed, si loogu faa’iideesto aqoontooda iyo waaya aragnimooda Dowladda dhiska Soomaaliya iyo marxaladihii uu dalka soo maray.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Buuwaagtii Lagu Soo Bandhigay Finland

Goobjoog News