Ciidanka Xoogga Dalka oo La Wareegay Deegaan Dhaca Duleedka Dhuusameeb
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad guutadiisa 15-aad ayaa maanta howlgallo ka fuliyey deegaanno dhaca duleedka Koonfureed ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.
Ciidamada oo ka ruqaansaday magaalada ayaa u jaheystay deegaanka Meer-dugul oo ay waqtiyadii dambe ay maamulayeen Al-shabaab.
Dalaag xoogan oo deegaanka ka dhacay ayey ugu dambeyn ciidamadu waxaa ay la wareegeen deegaan ,Al-shabaab ayaan isaga baxay deegaan Meer-dugul oo ay muddooyin ku sugnaayeen.
Maamulka Galmudug wasaaradiisa amniga ayaa dhowaan ku dhawaaqday in la qaaday howlgallo ka dhan ah Al-shabab oo deegaanno dhowr ah kaga sugan deegaannada maamulka Galmudug.
Goobjoog News