Saqiir Kale Oo Lagu Fara Xumeeyey Xamar
Sheeko:Arrimaha Amniga
Wararka ayaa sheegaya in saacadihii tagay kufsi kale uu ka dhacay caasimadda Muqdisho, markan waa gabar saqiir ah oo 5 jir ah,
Samiira Yuusuf Maxamed ayaa la sheegayaa in lagu kufsaday Waaxda Faanoole, oo ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho iyada oo ninkii fara xumeeyeyna uu baxsaday.
12-kii bishan ayey aheyd markii la weriyey in wiil yar lagu kufsaday xaafadda Djibouti ee degmada Shingani, wiilkan waxaa uu jiray 10 sano.
11-kii isla bishan waxaa inta la kufsaday, dabaq laga tuuray gabar 19 jir aheyd, waa Xamadi Maxamed Faarax, in ka badan 5 qof ayaa loo hayaa kiiskeeda.
Arrimahan kufsiga ayaa kusoo batay magaalada Muqdisho xilli hindise sharciyeed la xiriira kufsiga uu yaalo golaha shacabka.
Goobjoog News