Dalka Mareykanka oo ka tirsan waddamada Paris Club ayaa waxaa uu Soomaaliya shalay la galay heshiis dhigaya inuu cafiyo deyn gaareysa 1.4 Bilyan oo Dollar oo ay hey’adihiisa ay ku jirto Pentagon ay ku lahaayeen Soomaaliya.
Ku-simaha wasiirka maaliyadda oo ka hadlay goobta ay Mareykanka ku cafiyeen lacagtaas, oo ay joogeen wasiir kowaad Maxamed Rooble iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa yiri “Mareykanka waxaa ay qeyb ka tahay hormuudna ka tahay Paris Club qolada la yiraahdo, iyaga ayaa hormuud ka ah, wada hadal ayaa la galay 31-kii March, dabeedna waxaa la gaarey dhimis guud in la sameeyo, waxaa la isla gartay in dowlad dowlad loola hadlo, dowlad dowladdii bey tani ka socotaa”.
Dalalka ay Soomaaliya la hadashay March ee deynta ku leh, kuna jira Paris Club waa France, Mareynkanka, Ingiriiska, Denmark, Norway, the Netherlands, Japan, Belgium, Germany, Italy iyo Spain.




From the comments