Baaritaanno Amni oo Lagu Sameynayo Dhammaan Shaqaalaha Dowladda
Sheeko:Arrimaha Amniga
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday baaritaanno in lagu samaynayo dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay sii hayaha wasaaradda shaqada Sidiiq Xirsi Warfaa, waxaana la sheegay in looga golleeyahay sugidda amniga.
Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale la faray dhammaan wasaaradaha dowladda in ay hey’adda Nisa kala shaqeeyaan, sidii hubin amni iyo baaritaanno loo marsiin lahaa dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, baaritaanka ayaana u badnaan doona wareysi dhinaca amniga ah, Nisana ay sameyn doonto baarintaanka ayaa lagu yiri.
Halkaan Ka Akhriso
Goobjoog News