Golaha Shacabka oo Cod Gelinaya Kalsooni Siinta Xukuumadda Rooble
Sheeko:Arrimaha Amniga
Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku leeyihiin xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay in xildhibaannada ay cod u qaadaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’iisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Wasiirrada cusub ayaa maalmihii tagay waxaa ay kulamo gaar gaar ah la lahaayeen xildhibaannada iyagoo kala hadlayey sidii xildhibaannada ay kalsooni u siin lahaayeen wasiirrada cusub.
Goobjoog News