Madaxweyne Shariif oo Gaaray Gobolkii uu Ku Dhashay
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2020/11/mad.jpg)
Madaxweynihii Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goordhow waxaa uu gaaray gobolkii uu ku dhashay ee Shabeellada dhexe.
Shariif marka laga soo tago inuu gobolkaasi ku dhashay waxaa uu sanadihii 2001-dii ilaa 2002-dii ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda maamulkii gobalka Sh. Dhexe, isaga oo halganka maxkamadeynta halkaasi ka bilaabay kadib Muqdisho madax ka noqday maxaakiimtii Islaamiga.
Dib u noqoshada Shariifka ee Jowhar ayaa lagu micneeyey inuu taageero u muujiyo mas’uuliyiinta doonaya madaxweynaha Hirshabelle, inuu tashiyo soo sameeyo iyo inuu wax ka ogaado dhismaha maamulka iyo u diyaargarowga Jowhar ee doorashada 2020/2021.
Mudane Sheekh Shariif ayaa sanadkan ah murashax doonaya inuu kursiga Villa Somalia ka badalo ninka uu siyaasadda soo geliyey, dadkana baray ee Farmaajo.
Goobjoog News