U bood dhigaalka

Ammaanka Magaalada Jowhar oo Siweyn Loo Adkeeyey

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka siweyn loo adkeeyey ammaanka guud ee magaalada Jowhar ee caasim,adda dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaas uu ka socdo dhismaha maamulka Hirshabeelle, waxaana uu marayaa heer gaban gabao ah.

Ciidamada qeybahooda kala duwan sida Booliska iyo Milatariga ayaa ka qeyb qaadanaayo sugidda amniga guud magaalada, waxaana ciidanka lagu arkayaa wadooyinka iyagoo hubinaya waxa soo galaayoiyo waxa ka baxayo.

Magaalada Jowhar ayaa lagu wadaa in barri ay ka dhacdo dooorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaas, waxaana musharaxiita lagu wadaa in maanta ay Baarlamaanka u jeediyaan khudbadahooda.

Jagada ugu sareyso madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeeka ayaa waxaa u taagan afar musharax kuwaas oo maalinta barri ah ku dartami doona ku guuleysiga madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

Goobjoog News