Ciidamada ammaanka magaalada Kismaayo ayaa saaka howlgallo ballaaran waxaa ay ka wadaan magalaada, waxaana howlgalka ka qeyb qaadanaayo ciidamada booliiska iyo kuwa nabad sugidda maamulka Jubbalan.
Howlgalkaan ayaa waxaa uu yimid kadib markii habeenimadii xalay weerar Bom gacmeed lagu qaaday hoyga magaalada Kismaayo uu ka degan yahay guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha wakiillada maamulkaasi
Cabdi Baaleey Xuseen ayaa xalay kooxo waxaa ay hoygiisa ku weerareen Bom gacmeed , howlgalladaan ayaana ciidanku ku baadigoobayaan raggii ka dambeeyey weerarka lagu qaaday guriga guddoomiye ku-xigeenka 2-aad .




From the comments