U bood dhigaalka

Waa Kuma Madaxweynaha La Doortay ee Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo Barnaamijkiisa

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow magaalada Jowhar madaxweynaha Hirshabelle loogu doortay Cali Guudlaawe Xuseen oo loo yaqaano Guudlaawe.

Cali, waxaa uu hadda ahaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle, waxaa uuna horay usoo noqday  Madaxii maaliyadda ee gobolka shabeellada dhexe, Guddoomiye ku xigeenka gobolka shabeellada dhexe iyo Guddoomiyaha gobolka shabeellada dhexe.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso: Barnaamijkiisa siyaasadda: 

Cali, waxaa uu balanqdaata bulsho heshiis ah iyo inuu sameeyo dib u heshiisiin, isaga oo sheegay in uu u howlgeli doono xalinta tabashooyinka bulsho iyo midda siyaasadeed.

Horumarinta amniga ayuu balanqaaday inuu wax ka qaban doono, isaga oo xoojinta amniga, dib u habeynta booliiska

Garsoorka ayuu sheegay inuu wax badan ka qaban doono si muwaadin reer Hirshabellle ah aanu u taban wax xaq darro, lana marsiiyo garsoorka xulasho sax ah.

Dhan kale, waxaa uu balanqaaday la dagaalanka Al-shabaab, isaga oo xoog iyo maskaxba isugu geyn doona nabad galyada iyo isu furka deegaannada maamulka.

Waxaa sidoo kale balanqaaday shaqo abuur iyo kor u qaadista dhaqaalaha, dhismada waddooyinka, dhismaha garoomada , canshuurada, dhiirigelinta maalgelinta iyo warshadaha.

Guudlaawe waxaa uu sheegay inuu ka shaqeyn doonto dowlad wanaag iyo ladagaalanka musuqmaasuqa iyo horumarinta adeegyada bulshada, lagana helo waxbarasho ilaa heer jaamacadeed.

Arrimaha caafimaadka waxaa uu sheegay in isbitaallada waaweyn ee Hirshabelle uu u dhameystiri doono agab caafimaad iyo dhakhaatiir.

Goobjoog News