U bood dhigaalka

Warbixin: Ayaxa iyo Waxyeeladiisa oo Ku Baahday Soomaaliya oo Dhan, Dalagyana Baa’biyey

Ayaxa ayaa sanadkii ugu dambeeyey waxaa uu saameyn xoog leh ku yeeshay Soomaaliya, iyada oo uu baa’biyey dalagyo badan taasi oo keentay in dowladda federaalka ah ay qeylo dhaan u dirto hey’adaha caalamiga ah.

Haddaba, Goobjoog News ayaa baaris ku sameysay gobollada uu sameeyey Ayaxa, sida hadda ay xaaladdu tahay, warbixintan ayaan sidoo kale ku eegi doonnaa sida uu Ayaxu u guurguuro iyo heerka uu marayo ladagaalankiisa.

Somaliland:

Inkasata Ayaxa uu xilligii Guga ku xoog badnaa Somaliland, hadana weli waxaa uu ku dambeeyaa  qeyb kamid ah gobolka Sool, iyadoo haraadigiisa lagu arkaayo Awdal, wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa FAO ka heshay   3 diyaaradoo oo  taas oo yareysay saameyntii Ayaxa ee gobolkaas, waxaana la sheegayaa inuu usoo guuray dhanka Puntland.

Gobollada Somaliland ee uu horay u sameeyey waxaa ka mid ahaa Woqooyi Galbeed, Awdal, Togdheer, Sool iyo qeyb kamid ah gobolka Sanaag.

Puntland

Waxaa uu soo gaaray xiligii Gu’a waxaana uu si aad ah ugu degay gobolka Nugaal, Bari iyo qeybo gobolka Mudug qeybta Puntland, waxaana uu ka soo galay dhanka dalka Itoobiya iyo Somailand, Xiligaan waxaa muuqdo radaadkii uu reebay laakiin lama soo sheegin Ayax soo rogaal celiyey oo jooga Puntland.

UN-KA oo  ayaa xagagii ka caawiyey maamulka Puntland diyaarado lagu buufiyo,  taas oo keentay inuu ka soo wareego una soo guuro gobolada Koonfureed iyo bartamaha dalka oo hadda uu saameyn badan ka wada.

Galmudug.

Galmudug, waxaa ay kamid tahay meelaha uu sida ba’an u saameeyey Ayaxa, waxaa uu soo gaaray xiliga Gu’ga,  isaga oo saameeyey dhul aad y ballaaran, hadda ayaa la sheegayaa in uu mar kale soo rogaal celiyey, waxaana uu joogaa deegaannada dhan gobolada Galgaduud  iyo Mudug,

Weriyaha Goobjoog News ee Galmudug ayaa sheegay in laga bilaabo degaanka Wisil ee gobolka Mudug ilaa iyo Dhuusamareeb oo Galgaduud ah in lagu arkaayo deegaan weliba Ayaxa iyo Saameyntiisa.

Hirshabeelle:

Hirshabelle, ayaa deegaanadeeda laga sheegaa saameynta Ayaxa, weliba roobabkii kala duwaan ee midka Deyrta ugu dambeeyey, waxaa uu aad ugu degay beeraha ku teedsan webiga ee gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo maamulku ka kooban yahay.

Saameyntiisu waa mid ku yar dhulka ka fog webiga ee deegaannaga Bariga Hiiraan  iyo Shabeellada dhexe, haddaa waxaa lagu sheegay Ayaxa saameyntiisuna Hirshabeelle  dhul lagu qiyaasay 250km oo dhul beereed ah ayuu Ayaxu joogaa, dhibaatana uu ka wadaa.

Koonfur Galbeed:

Waa maamul ka kooban sedex gobol,  waxaa uu Ayaxu aad u saameeyey gobolka Shabeellada hoose oo ah dhul Beeraley ah oo Webiguna uu maro, hadda waxaa uu u jiheystay gobolada Bay iyo Bokool,

Deegaannada uu saameeyey ayaa waxaa kamid aha Afgooye, Walanweyne,  Daafeed iyo dhanka Bay uu ku degay Buurhakaba iyo deegaanno ka deris ah, hadda waxaa cabsi laga qabaa inuu gaaro gobolka Bokool.

Jubbaland:

Marka laga bilaabo labada Jubba oo webigu uu maro hadda waxaa uu Ayaxu joogaa dhul kale sida  deegaannada Baarsanguuni, Yoontooy, Jamaame iyo Beero hoos yimaado Bu;aale.

Gobolka Gedo waxaa Ayaxa haraadigii soo gaaray Go’ga lagu arkayaa degmada Baardheere beero ku yaallo, laakiin waxaana muuqan cabsi laga muujinaayo Ayax cusub oo hadda jooga deeggaannada kale sida ay inoo sheegeen dadka ku sugan gobolka .

Goobjoog News