U bood dhigaalka

Hey’adaha Amniga Oo Ka Shiray Ammaanka Doorashooyinka

Waxaa maanta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka furmay shirka guddiga amniga ee doorashooyinka qaran, kaas oo ay ka qeyb galayaan taliyaasha ciidamada booliiska dowaladda dhexe kuwa dowla goboleedyada  iyo ku-xigeenadooda.

Waxaana sidoo kale kulanka ka qeyb galayo booliiska, AMISOM, taliyeyaal ka tirsan xoogga dalka, guddiga doorashooyinka dadban iyo beesha caalamka waxaana uu soconayaa muddo sedex maalin iyada oo lala shiray guddigii dhowaan la magacaabay ee muranka ay ka keeneen murashaxiinta madaxweynaha.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Dhamme Sidiiq Aadan Cali  oo arrinkan ka hadlayey ayaa sheegay“Shirkaan ka furmay magaalada Muqdisho waxaa uu socon doonaa 3 bari oo ka bilaabata 13- 15-ka bisha oo looga arrinsanayo diyaar garowga aminga doorashooyinka qaran 2020-2021-ka, taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaran qiimeyn uu ku soo sameeyey dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka waxaana ugu kuurgalnay sida uu yahay u diyaargarowga amniga doorashooyinkan 2021”.

Shirkaan ayaa mudda uu socdo waxaa looga hadli doonaa amniga guud ee doorashooyinka iyo goobaha ay ka dhacayaan, maadaama dowlad goboleed weliba loo asteeyey inuu doorashada ku qabto labo magaalo oo ka tirsan maamulkaasi.

Goobjoog News