U bood dhigaalka

Mareykanka oo Bilaabay Hawlgalka Tallaalka Covid 19, Soomaaliya Baahi Weyn Ayaa Loo Qabaa

Sheeko:Amniga

Dalka Mareykanka ayaa maanta bilaabay hawgalka tallaalka Covid 19, taas oo lagu sheegay tii ugu ballaarneyd dunida, ilaa 20 million ayaa lagu wadaa in bishan ay helaan tallaalkan.

Sida wararku sheegayaan waxaa talaalka lagu bilaabay dadka muhiimka ah sida, kawa ka shaqeeya Aqalka cad, gaar ahaan dadka la shaqeeya madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Waxaa kale oo dadka ugu horeeya ee helaya ka mid ah kuwa nugul, gaar ahaan dadka shaqaalaha  caafimaadka, dadka da’da ah, kuwa qaba cuduurada lala noolaado iyo qaar kale.

Talaalkan waxaa la sheegayaa inuu ka hortagayo ilaa 95% caabuqa Covid 19, ilaa three million oo xabo ayaa loo qeybiyey ilaa 50 gobol oo Mareykanka.

Dhanka, kale, inkasta oo talaalka oo kala duwan yahay, hadana waxaa jira dalal carab ah uu soo gaaray sida Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo Afrika ah.

Soomaaliya oo ay dhibaatooyin badan ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah Covid 19, lama oga, lagamana hadlin ilaa hadda istiraatiijiyad la xiriirta tallaalkan.

Goobjoog News