U bood dhigaalka

IGAD oo Guddi Xaqiiqo Raadin Ah U Saareysa Xiisadda Xadka ee Soomaaliya iyo Kenya

Sheeko:Amniga

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka hadlayey shirka IGAD ee kusoo gabagaboobey Djibouti ayaa sheegay in IGAD ay guddi u saareyso xiisadda xadka ee Soomaaliya iyo Kenya

Wasiirka oo arrinkan ka hadlayey ayaa yiri” “Tan ugu culus uguna muhiisan waxaa ay aheyd jabhadda lagu soo  abaabulay dalka Keynya dhaxdiisa sida aan ka warqabno oo xuduudda dhinaceeda kale ku aabulan, taas oo IGAD ay go’aan ku gaartay in guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro, guddigaasna uu arrintaas soo baaro iyo arrimaha kale ay Soomaaliya ay tabanayso waa kuwa lagu xallin karo sida ay u kala weeyihiin oo lagu xalin doono Diplomatic Channel, laakiin arrinkaas ku saabsan Xuduudda taas waxaa ay aheyd mid aan rabnay in marka hore laga wada hadlo intaaan loo gudbin wax kale”.

Mar uu ka hadlayey Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud shirarka dhacay waxaa uu yiri ““Shirkan waxaa uu ku bilowday laba geesood oo labada dal gooni is arkayeen, kadib  iyaga oo Group ah oo kale ay isku arkreen, halkaas oo looga sii gudbay shirkii weynaa oo (panel )ka aheyd. Shirarkaas laba geesoodyada ah, waxaa lagu xaliyey arrimo badan oo culus oo ugu darnaa inta aan la gaarin shirka weyn, dowladda Soomaaliya aad ayey ugu diyaar garoowday shirkaan oo diyaar ay ugu aheyd in eedeymaha ay soo jeedisay ay ku soo bandhitay oo kaga uga hadashay shirkaas”.

Ugu dambeyntii, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya cadaadis la saaray“ Madaxdii IGAD, ee halkaas joogtay cadaadis aad u saareen Soomaaliya in arrinkaan uu noqdo mid lagu xaliyo IGAD dhexdeeda, oo uu noqdo mid laga gaaro is afgarad, oo halkas arrimaheenna aan ku xalino tallaabada ugu horeysana ay tahay in xaaladda la dejiyo ama hoos loo dhigo xiisadda, Soomaaliya taas waa ay ogolaatay, laakiin waxaan ku xirnay shuruud ah in loo saaro guddi arrimaha ay Soomaaliya ka ashtakoonaysay, waxaana ay ahaayeen dhowr arrimood qaarkood aan kala hadalnay qaana aan ka aamusnay maadaama ay howshaas weli socoto “.

Goobjoog News