U bood dhigaalka

Shirkadaha diyaaradaha Imaaraatka Carabta oo hakiyay Duulimaadyadii ay ku tagi jireen Dalka Sacuudi Carabiya

Sheeko:War

Shirkadaha diyaaradaha ee Imaaraatka carabta ayaa joojiyay dhamaan duulimaadyadii ay ku tagi lahayeen Sacuudi Carabiya ilaa iyo 27-ka bishaan Diseembar sababo caafimaad oo laxiriiro COVID-19 kaas oo dib ugu soo laabta Caalamka waxaa baqdin laga qabaa in markale uu halis galiyo isu socodka Caalamka, Axadii ayeey aheed markii Wasaarada Caafimaadka ee dowlada Sacuudiga ay ku dhawaaqday in ay joojisay muddo hal-isabuuc ah duulimaadyadii ka imaan jiray boqortooyada Ingiriiska cabsi laga qabo soo laabasha Coronavirus.

Shirkadaha diyaaradaha Imaaraatka carabta  ee la hakiyay waxaa ka mid ah Emirates, Etihad Airways, Air Arabia iyo Fly Dubai kuwaas oo aan wax duulimaad ah kun tagi doonin Sacuudiga tan iyo dhamaadka sanadkaan gabaabsiga sii maraa, Afhayeen u hadlay Imaaraadka  wuxuu yiri “Kadib markii mas’uuliyiinta Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay xireen xuduudaha, Emirates Airlines waxay ku dhawaaqday inay joojineyso duulimaadyadeeda iyo ku tagi jireen Boqortooyada  Sacuudiga ilaa 27 December.

AF-hayeenka ayaa hadalkiisa kusoo koobay “Waxaan ka raali galinaynaa dhibaato kasta oo ka timaada xaaladan ka baxsan awoodeena, waxaan ka codsaneynaa macaamiisheena qiimaha badan  in ay dulqaad Muujiyaan inta laga gaaraayo dib u bilaabista duulimaadka. Badbaadada Macamiishena  iyo shaqaalaha diyaarada waa mid ka mid ah ahmiyadeena ugu muhiimsan, waxaana ka raaligalinaynaa wixii dhib ah ee ka dhashay hakitaanka”.

Si kastaba arintaan ayaa kusoo beegmeeyso xili cabsi ba’an uu adduunku ku haayo cudurka safmareenka ah ee Covid-19 kaas oo wadamo badan ay kusoo rogeen xayirado hor leh.