Koox burcad ah oo la sheegay in ay siteen dharka ciidanka dowladda ayaa wiil dhallinyaro ah ku toogtay habeenimadii xalay xaafadda Nasteexo ee degmada wadajir ee gobolka Banaadir, sida ay wararka lagu helayo.
Waxaana warar dheeraad ah laga helayaa sababta keentay in burcad hubeysan ay toogtaan marxuum Axmed Ganey oo kamidd ah ahaa dhallinyarada deganaa xaafadda Nasteexo.
Marxuumka ayaa lasheegay in kooxda burcada ah ay isku dayeen in ay ka ka qaataan Mobile uu watay, balse uu ka dhego adeygay inuu dhiibo Teleefoonka, taas oo dhalisay in ay toogtaan marxuumka.




From the comments