Shil gaari oo ka dhacay dalka iskutagga Imaaaradka Carabta ayaa geystay khasaare kala duwan, kaas oo soo gaaray dad shacab ah iyo askarta ilaalada waddooyinka,
18 jir u dhashay Imaaraadka Carabta ayaa shil ku dhintay kadib markii uu gaariga uu watay uu galay shilka saa’id uu ku waday, taas oo sababtay in gaarigiisu si lama filaan ah uu wadada uga leexdo kadibna uu ku dhaco gaari kale iyadoo ay ka dhalatay dhaawacyo halis ah oo kala duwan kuwaas oo laagarsiiyay Isbitaalada.
General Saif Al Zari Al Shamsi, Taliyaha Guud ee booliska magaalada Sharjah, ayaa sheegay in howlgalka ee Booliska ay heleen macluumaad ku saabsan qasaaraha ka dhashay shilka, “Wadde gaari oo 18-jir ah ayaa ku dhintay shilka halka tiro gaareeysa 5 ruux oo ay traafiko ah gaariga si lama filaan ah uga leexday wadada xaware saa’id ah ayuu ku socday taasoo keentay in ay isku dhacaan gaari kale oo ay saarnaayeen seddex qof”. ayuu yiri.




From the comments