U bood dhigaalka

António Guterres oo Ergay Cusub u Soo Magacabay Soomaaliya

Sheeko:Amniga

António Guterres Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa u magacaabay Anita Kiki Gbeho  inay noqoto ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

 Gbeho ayaa xilkan kala wareegeysa Raisedon Zenenga oo reer Zimbabwe ah oo loo magacaabay kaaliyaha xoghayaha guud iyo isku duwaha howlgalka ee xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Libya (UNSMIL).

António Guterres ayaa uga mahad-celiyey Raisedon shaqadii iyo dadaalkii ee uu ku tabarucay shaqada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Haweeneydan u dhalatay Dalka Ghana ayaa leh in ka badan 25 sano oo khibrad ah,iyadoo ka soo shaqeysay xaruma dhowr ah , kuwaas oo ay u qaabil saneyd qorshaynta istiraatiijiyadeed, isku dubaridka iyo maaraynta arrimaha siyaasada, horumarka iyo arrimaha bini’aadanimo ee QM.

waxa ayna ka soo howl gashay dalal ay ka mid yihin  Angola, Cambodia, Iraq, Namibia, Sudan iyo Somalia.

Tan iyo bishii May 2018, Ms. Gbeho waxay aheyd ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee howlgalka isku dhafka ah ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Darfur UNAMID, halkaas oo ay ku hogaamisay horumarinta iyo hirgelinta istiraatiijiyadda kala guurka.

Ms. Anita Kiki waxay haysataa shahaadada Bachelor of Arts ee Cilmiga Bulshada iyo Daraasaadka Afrika oo ay ka qaadatay Jaamacadda Gobolka ee New York iyo Master-ka ee Xiriirka Caalamiga ee Jaamacadda Ghana.