Soo Saaritaanka Shidaalka Soomaaliya oo Qaadan Doona 20-sano
Waxa isasootaraya walaca iyo cabashada ay ka muujinayaan Aqoonyahanada wax-garadka iyo Bulshada rayidka heshiiso la sheegay in ay dowladda la galeyso shirkada shidaal .
Markale Aqoonyahan Cabduqaadir Abiikar Xuseen ayaa faahfaahin ka bixinaya waxa ay yihiin Baloogyada ay dowladda ka iibineyso shirkadaha shidaalka.
“Waa su’aal u baahan in shacabka loo sharaxo u baahan in la fahmo, boloks ceelal maahan ee waa dhul la baaray oo loo maleeyo inuu shidaal ku jiro potential, marka dhulka qaabkiisa la fiiriyo oo lagu baaray baaristaan zismiskada ayaa waxaa la ogaaday meelaha qaar in ay wax ku jiraan, laakiin ceelal maahan waa xirmooyin badda salkeeda oo dhulka hoose ku yaalla waaye, ceelal, nimankaan hadda shaqada la siinaayo prodection sharing ayaa waxaa ay sameynayaan baaritaan meelihii lagu mareeyey ayey baarayaan waxaana ay baaritaan dheeraad ah markaas kadib ayey ceelka qodaayaan haddii ay shidaal helaan iyo haddii kale”.
“Markii ay helaan waysii shaqeynayaan shaqo la dhaho attaresal waxaa la fiirinayaa hareerihiisa maxaa laga qodi karaa, waxa meesha ku jira muxuu noqon karaa ku jira, markii intaas la sameeyo ayaa waxaa loo gudbayaa waji kale, wajigaas koowaad haddii maanta shirkadda loo saxiixo 2040 ayey noqonaysaa, shacabka Soomaaliyeed taas ayaa loo baahan yahay in ogaadaan taas, shidaalka haddii lala sixiixdo lix bilood gudaheeda ayey ku imaan kartaa hadda lasoo saarayo waxaan rabaa Soomaali in ay ogaadaan haddii ceel marmaxaa ceelal laga heli karaa meeha, baaristii la rabay ayey samaynaysaa”.
Haddii ay samayso three D Zisemik waxaa ay qaadanaysaa laba sano oo lagu daray lix bilood oo ceelka qodistiisa ah, ceelka xitaa waxaa u baahan yahay waa badda gudaheeda waaye waa in strecture plan form ama fpso la sameeyaa taas waxaa ay qaadanaysaa laba sano , kadib waxaa loo gudbaa development kaligiis ayaa waxaa uu qaataa 10sano , meesha ceel badan ayaa la isku xiraa ayaa la hormarinaa beebyo ayaa loo samaynaa meelo ay ka burqadaan ayaa loo samaynaa meelo ay ka burqadaan ayaa loo samaynaa, meelo ay wax laga rari karo ayaa loo samaynaa”
“inta badan lacagta maal gelinta ah shidaalka waxaa ay dhacdaa waqtiga developmentiga kan ugu gaabanna waa 8 sano ilaa 12 sano ayuu soconaa, tusaale Muzembic markaan soo qaato waxaa ay heleen 2010kii meelahaas ilaa 2005 ayey heleen shildaal badda ah, ilaa iyo haddana majiro shidaal weyn oo xagga badda mahelin woxooduna waa Gas, haddii xitaa Gas aan waa uu sii daahayaan, markii developmentiga uu dhamaado ayaa protection la bilaabaa, markii la bilaabo 5sano ee ugu horeyso shirkaddii waxaa ka gashay dhowr bilyan oo dollar iyadaa waxaa ay isku dayeysaa in marka hore wixii qarax ka galay ay soo ceshato 5 sano ka dib ayaa 2040 ayey Soomaaliya bilaabi kartaa in ay soo saarto, haddii wax kasta ay caadi u socdaan daahid aysan soo gelin ”
Soomaaliya markii ceelka la helo attrezal ayey samaysaa, kadib development 10 sano waaye 5sano waxaa qaadanayso shirkadii maaligelintii ay suubisay in lacagtii ay dib u ceshato, markaas ayaa la bilaabayaa in Soomaaliya ay faaiido hesho taasna waa 2040ka oo laga yaabo markaas in shidaalka laftirkiisa laga gudbay oo cadceeda oo guuray adduunyada, marka arrintaan hadda la galaayo, waa arrin waqtigii ugu dambeeyey ee shidaal dunida ay raadin lahaayeen ayaan raadinaynaa, nasiib waxaan leenahay wati yar oo intaa shidaalka uu faaiido sii leeyahay ayaan suu binaynaa”
” Shidaalka qiimahiisa maanta aad iyo aad aayuu u yar yahay waa 50$halkii fuusto meesha laga qodaayana waa bad aad iyo aad mool u ah, shirkadaha rajaynaayo waqtigaan oo price aad iyo aad u yahay yahay qodiddana ay bad mool ah tahay oo ka batabadan 1800 m ilaa 2500m ay abaddaas tahay shirkadaha u bareeri kara logicaly iyo financialy waqtioyadaan hadda la joogo Soomaaliya shirkadahaan yaryarka ah inay kala wareegaan oo usoo bareerikara waa yaryihiin waa caqabadaad no horyaalla waaye”