Congress-ka oo Dib u Shaqo Bilaabay iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka oo Ka Hadlay Rabshada
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Penc ayaa waxaa uu ka hadlay rabasho xalay ka dhacay Congress-ka kadib markii taageerayaasha Trump ay gudaha u galeen aqalka, shaqana joojiyeen taasi oo keentay iney isku dhacaan ciidamada amniga oo khasaare ka dhasho.
‘ Caasimadda waa nabad, shaqada caadi ayey kusoo noqotay, waan cambaareyneynaa wixii dhacay, waxaan u mahadcelineynaa raggii iyo haweenkii shaqeeyey’.
Dhanka kale, waxaa caadi kusoo noqday shaqada Congress-ka, waxaa uuna madaxweynaha ku xigeenka hadalkiisa kusoo gabagabeeyey ‘aan shaqada dib ugu laabanno’.
Goobjoog News