U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo Gargaar soo Gaarsiisay Soomaaliya

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa warisay in dowladda Sacuudi Carabiya oo uu hogaamiyo Boqor Salman in xarun gargaar oo leeyihiin taas oo lagu magcaabo (KSrelief) waxay u qaybiyeen 75 tan oo timir ah dadka ku nool Jubaland iyada oo ay ka faa’iideysanayaan 56,250 qof, kuwaas la kaashanaya Howlgalka Gobolka ee Jeddah – ku saleysan Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soogaabiyo OIC.

Gargaarkan ka ymid Boqorka Sacuudiga , ayaa shalay lagaarsiiyay dadkii ay ugu talo galleen, wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay Somaliya ka jiraan dad sabool ah oo u baahan gaar-gaar nuucaan oo kale ah. mashruuca KSrelief ayaa fadhigiisu waxaa yahay uu Caasimada Riyadh.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ee Internet-ka ayaa muujinayaa dadk reer Jubaland loo qebiynayo gargaarkaan oo u ku suntanaa magaca Boqorka sacuudiga, waxaana ka faaiideeystay dadyow kala duwan kuwaas oo iskugu jiro dumar iyo caruur dan-yar ah.

Si kastaba dolwadda sacuudiga ayaa ka mid ah dowladdaha deeqaha ama gaarkaarka siiyo Somaliya taniyo burburkii dolwaddii dhexee ee Somalia.

Goobjoog News