Guddoomiye Dhegajuun oo Lagu Dilay Rasaas Ciidan
Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiim Dhegajuun ayaa caasimadda Muqdisho lagu dhex dilay xalay saqdii dhexe.
Cabdixakiim iyo ilaaladiisa ayaa la sheegay in rasaas lagu huwiyey xilli ay marayeen isgoyska Jid Mareexaan ee bartamaha Muqdisho.
Dad deegaanka ah ayaa sheegaya in dilka guddoomiye Cabdixakiim Dhegajuun uu dhacay kadib rasaaseyn dhex martay labo ciidan, wararka qaar ayaa sheegaya in ay ahaayeen ilaalo la yaqaanno.
Ilaa hadda kama hadlin ilaha rasmiga, laakin waxaa dilkiisa cambaareeyey mas’uuliyiin ka tirsan baarlamaanka iyo shacabka Muqdisho.
Dhegajuun ayaa la dilay saacado uun kadib markii uu kasoo laabtay Turkiga halkaas oo looga soo dhabiibey dhaawac kasoo gaaray qarax lala eegtay November 12 ee sanadkii hore.
Wararkan oo Faahfaahsan, kala soco
Goobjoog News