U bood dhigaalka

Maxaa Loogu Yeerayaa Farmaajo Maanta Kadib?!

Maanta waa 8-dda Febraayo 2021-ka, muddadii dastuuriga aheyd ee xilheynta Maxamed Cabdullahi Farmaajo waa dhacday. Sharci yaqaanno, midowga musharaxiinta, maamullo sida Puntland iyo aqoonyahan Soomaaliyeed ay qeexay in maanta laga bilaabo Farmaajo uu noqonayo madaxweyne hore iyo mid waqtigiisu dhammaaday.

Sida  ku xusan qaraarka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ee Tix: GSH/B-10/003/17 ee soo baxay 8-dda Febraayo 2017-kii kaas oo uu saxiixay Farmaajo, kuna soo baxay faafinta rasmiga.

Qoraalka waxaa ku jiray: Haddii aan si kale oo dastuuri ah wax loo bedelin muddada xilheynta Mne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa ay ka bilaabaneysaa 8-dda Febraayo 2017, waxayna ku egtahay 7bada Febraayo 2021 si waafaqsan qodobka 91aad ee dastuurka federaalka ah ee Soomaliya.

Dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ku xusan qodobkiisa 91-aad ee muddada xilheynta madaxweynaha ay tahay 4 sano oo ka bilaabaneysa maalinta la dhaariyo.

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ee 10-aad ayaa isna la mid ah madaxweynaha oo muddada xilheyntoodu ku ekeyd December 27, 2020 sida dastuurku qabo. Dhanka kale, waxaa jiro qaraar kasoo baxay golaha shacabka oo la dhaho qaraar Lr 20 oo dhigayey in hey’adaha dastuuriga ay joogaan ilaa laga helay kuwoo badala.

 

 

Dhankooda sharci yaqaanno iyo aqoonyahanno ayaa arrintaas waxba kama jiraan ku tilmaamay iyaga oo qaba in baarlamaanka iyo madaxweynahaba uu waqtigoodu dhamaaday, ayna tahay in la ixtiraamo dastuurka KMG ah, qodobadiisa 60-aad ee muddada hilheynta baarlmaanka iyo qodobka 91-aad ee muddada xilheynta madaxweynaha oo aan la badalin.

Abuukaate Daahir Carab oo ah xogheyaha isutagga qareenada Soomaaliyeed, wareysi gaar ahna siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in wixii maanta ka danbeya sharciga uu sheegaya in madaxweeynaha uu waqtigiisa dastuuriga ah dhamaaday.

Daahir Carab oo arrintaas ka hadlayey ayaa yiri  “Farmaajo Sharci ahaan maanta wixii ka dambeeya waxaa loogu yeerayaa Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhammaaday, Mana qaban karo Awoodihii uu Dastuurku siinaayay”.

Prof.Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah bare jaamacadeed ee cilmiga siyaasadda oo isna la hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu sheegay in Farmaajo maanta laga bilaabo loogu yeerayo madaxweynihii hore, oo aan wax kale loogu yeeri karin.

Iyada oo ay taasi jirto ayaa midowga musharaxiinta oo qoraal soo saaray saacadihii tagay waxaa ay sheegeen in laga bilaabo 8-dda Febraayo 2021 aaney Maxamed Cabdullahi Farmaajo u aqoonsaneyn madaxweynaha jamhuuriyadda federaarka, kana soo horjeedaan waqti kordhin.

Maamulka Puntland, wasiirkeeda warfaafinta Cabdullahi Timacadde oo shalay hadlay ayaa yiri’ Caawa ayey kaga egtahay, Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu noqonayaa madaxweynihii hore’.

Madaxweynaha hore ayaa ku guuldareystay intii uu joogay in uu qabto doorasho, taasi oo ka mid aheyd mid ka mid ahaa barnaamijyada hortabinta u lahaa qaranka 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Goobjoog News