U bood dhigaalka

Rooble Oo Waxqabadkiisa 100 Maalmood Ka Horjeedinaya Baarlamaanka Mudadiisa Dhamaaday

Golaha shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa maanta kulan koodi caadiga ahaa waxa ay ku yeelanayaan xarunta ay sida kumeel gaarka ah u dagan yihii ee Villa Hargeysa.

Ajendayaasha kulanka maanta ayaa waxaa ka mid ah 1. Akh 3aad ee W/Kabadelka Sharciga Waxbarashada Heerka 1aad, 2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Warbixin ku sahabsan wax – qabadkii 100 maalmood ee Xukuumadda .

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa hortagi doono xildhibaanada , iyadoo uu khudbad noocya kala duwan uu ka hor jeedin doono Golaha .

Rooble ayaa lagu wadaa inuu golaha hordhigo, waxaa uu qabtay boqolkii maalin ee tagay.

Goobjoog News