Midowga Yurub: Muddo Kordhin aan Farsamo Aheyn Waa Dib u Dhac Xoog Leh
Sheeko:Arrimaha Amniga
Midowga Yurub ayaa isniintii waxaa uu arrin khatar ah ku tilmaamay in aaney xilligan ka dhaceyn Soomaaliya wax doorasho ah.
‘Waa muhiim in la sii wado dadaallada socda ee lagu hirgelinayo hannaanka doorashada qaran’, waxaa sidaa yiri madaxa arrimaha dibadda ee midowga Yurub Josep Borrell.
Jisep ayaa intaa raaciyey in ismariwaaga siyaasadeed ee hadda jira uu dhaawacayo kalsoonida midowga Yurub uu ku qabo horumarka Soomaaliya.
“Hannaan kasta oo isbarbar socda, hal dhinac ah, ama lagu kordhinayo howlaha hadda loo xilsaaray hay’adaha, oo aan ahayn farsamo ahaan, waxaa loo qaadan doonaa dib u dhac xoog leh,” .
Midowga Yurub, waxaa uu ku booriyey hoggaanka Soomaalida in xaliyaan wixii ismari waa ah ee hadda jira
Goobjoog News