Beesha Caalamka Oo La Fariisatay Midawga Musharixiinta
Sheeko:Arrimaha Amniga
Wakiilka gaarka ah ee ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa kulan dhanka Aaladda fogaan aragga ah la qaatay xubna kamid ah Midawga musharixiinta xilka madaxweeynanimada dalka.
Kulanka oo ka qabsoomay qadka Internet-ka ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka si gaar arrimaha doorashooyinka dalka.
Saaxiibada taageera Soomaaliya ayaa sheegay in intii kulanka uu socday si qota dheer loogu nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in si deg deg ah loo qabto doorashooyinka dalka.
Kulanka ayaa James Swan waxaa sidoo kale ku wehlinayay Safiirada qaar ka mid ah dowladaha Ingiriiska , Mareykanka iyo dowlado kale .