AAMIN AMBULANCE : Ciidanka Dowladda ayaa inoo diiday in aan Qaadno dad Dhaawacyo qabay si loo Badbaadiyo
Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa jimcihii 19-ka February-2021 diiday isu socodka dadka iyo gadiidka sabab la xiriirta in ay ka hortagto bannaabaxyo ay qaban qaabiyeen xubnaha mucaaradka.
Gadiidka gurmadka degdeg ah ee gaarka loo leeyahay ayaa ka mid ahaa kuwa loo diiday in ay dhaq-dhaqaaq urmad ah ay ka sameeyaan , magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah saraakiisha Aamin Ambulance ayaa sheegay in loo diiday in gurmad ay u fidiyaan oo ay ka jawaab celiyaan wicitaannada dad doonayay in gurmad loo fidiyo eheladooda oo haysatay xaalad caafimaad.
‘’ Ciidanka fadhiyay waddooyinka ayaa inoo diiday in gurmad u fidino dad u baahnaa xilligaas gargaar deg deg ah ‘’ sidaas waxa Goobjoog News u sheegay mid ka mid saraakiisha sar sare ee Amiin Amblunce.
Ciidanku waan u sheegnay in ay jirto xaalad u baahan in laga jawaab celiyo oo ay doonayeen dad dhaawacyo qaba ama kuwo kale oo naqaska uu ku xiran yahay laakiin ma jirin askar dheg jalaq u siisay warkeena ‘’ ayuu hadalkiisa sii raacayay Dr. Aweys.
Dhanka kale Mas’uul ka tirsan Amiin Amblunce ayaa Goobjoog News u sheegay in ay gaari waayeen oo laga hor istaagay dhallinyaro dhaawac ahayd oo la doonayay in la geeyo isbitaalada ama kuwa kale oo laga qaadi lahaa goobaha caafimaad.
‘’ Seddex kiis oo naloo soo wacay si aan u caawino ayaa ciidanku waddooyinka xirteen inoo sheegeen in aan u gudbin amar ciidanka ayaan qaadanay ka dib waa iska laabanay ‘’.
Ciidanka ayuu sheegay in mararka qaar ay ku amarayeen in gadiidka ay baaraan , iyaga diiday xitaa in gurmadka aan u fidino kuwa u baahan in la caawiyo ‘’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mas’uul ka tirsan gurmadka deg deg ah ee Aamin Ambulance.
Goobjoog News