Deg-Deg:- Qarax Ka Dhacay Muqdisho
Sheeko:Arrimaha Amniga

Wararka naga soo gaaraya degmada Xamar Weyne ayaa sheegaya in goordhaw uu saldhigga degmada uu ka dhacay qarax xoogaan .
Qaraxana ayaa inta badan laga maqlay dhawaqiisa degmooyinka Gobalka banaadir waxaana wararku ay sheegayaan in uu yahay qof watay jaakad laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa .
Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay ku daba jireen shaqsiga is qaraxiyay , taas oo keentay in uu khasaaraha yaaraado , sida ay illa ka agdhaw goobta uu qaraxa ka dhacay ay inoo sheegeen .
Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa ka dhacay degmada Xamar weeyne.
Wixii ku soo kordha warkan kala soco GoobJoog News