Ugaaska Beesha Xawaadle Oo Ku Geeriyooday Muqdisho
Sheeko:Arrimaha Amniga
Allaah U Naxariisto waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa Ugaasyada Soomaaliyeed.
Ugaas Xasan ayaa waxa uu u geeriyooday xanuunka Covid-19 oo hayay maalmihii la soo dhafay.
Qaar ka mid ah ehelada Ugaaska ayaana xaqiijiyay geeridiisa.
Ugaas Xasan Ugaas Khalif Ugaas Rooble ayaa waxa uu ahaa Ugaaska Beelweynta Xawaadle .