Golaha Ammaanka Oo Saraakiil Ka Tirsan Al-shabaab ku Soo Rogay Cunaqabateyn
Kadib codsi Golaha Ammaanka QM uga yimid dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka , ayaa cuna qabteyn loogu soo rogay saraakiil sar sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab ee ka dagaalamada Soomaaliya .
Saraakiisha cunaqabateynta lagu soo rogay ayaa gaaraya illaa seddax sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab waxa ayna kala yihiin :-
1:Abuukar Cali Aadan,
2: Macalin Ayman &
Mahad Karataay, kuwaas oo xilal waaweyn ka haya Al-Shabaab.
Seddaxdaan shaqsi ayaa xubnaha Golaha Ammaanka ay isku raaceen in xayirado dhan walba ah lagu soo rogo ,iyadoo lagu soo daray liiska Argagaxisa QM .
Erica Barks-Ruggles oo ah sarkal ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ayaa ku tilmaamay in ay tahay arintaan taallabo dhanka xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya loo qaaday.