Uganda oo Kun Askari Oo Hawlgab ahaa u soo Direysa Soomaaliya
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ilaa kun askari oo Uganda ahaa, kuna jiray xilliga hawlgabka ayaa dib loogu yeeray si loogu soo diro Soomaaliya oo ay qeyb uga noqdaan kuwa nabad ilaalinta AMISOM.
Maj Bilal Katamba oo aha madaxa guutada kowaad ayaa sheegay in ciidamada dib loogu yeeray la doonayo iney warqadahooda soo gudbiyaan ugu dambeyn maanta oo isniin ah.
Qorshaha waxaa uu ahaa in ciidanka la keeno Soomaaliya April 2020 laakin waxaa uu dib ugu dhacay sababo la xiriira Covid 19.
Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 6,000 oo askari, kuwaas oo ku jiray hawlo nabad ilaalin ah tan iyo 2007dii.
Goobjoog News