Farmaajo Oo Markale Shir Ku Baaqay Maalin Ka Hor Dibadbaxa Looga Soo Horjeedo
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweeynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markale shir isugu yeeray madaxda dowlad gobaleedyada dalka.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Farmaajo ayaa loogu baaqay in madaxda dowlad Gobaleedyada Dalka ay shir lagu dhameeystirayo Heshiisyada Doorashooyinka kaga soo qeyb galaan Magaalada Muqdisho , 4 bisha .
Hoos ka Akhriso Qoraalka Villa Somalia Ka Soo Baxay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.
DHAMMAAD