Turkiga oo Soomaaliya ka Dhisaya Xarun Sawaariikhda Laga Tuuro
Dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday qorshe uu ku aadayo dayaxa 2023-ka, si uu dul dego dayaxa dushiisa si nabad ah sanadka 2028-dda, sidaasi waxaa sheegay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
In Soomaaliya laga sameeyo xarun noocaas ah ayaa loo sababeeyey in Turkigu saaxiib la yihiin, kuna leeyihiin xero tababar oo lagu magacaabo TURKSON.
“Barnaamijkan ahmiyadiisa waa in aan dayaxa xiriir la sameyno marka jamhuuriyadeena ay boqol jirsaneyso, waxaa sidaa shirk a dhacay Ankara ka yiri Recep Tayyip Erdogan.
Erdogan ayaa intaa raaciyey in Turkiga qeyb ka noqoyo dalalka tagay Dayaxa, una suuragaleyso iney macluumaad ka keenaan.
Wararka waxaa ay intaas ku darayaan in barnaamijkan uu ku baxayo $1 billion, o ay ku jirto $350 million oo lagu dhisayo, laguna dayactirayo saldhigga ay ka fulinayaan Soomaaliya.
Goobjoog News