Shirka Rooble iyo Musharixiinta Oo Muqdisho Ka Furmay
Sheeko:Arrimaha Amniga
Waxaa goordhaw markii seddaxaad kulan uga furmay Hotel Decale ee magaalada Muqdisho Ra’iisul wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Midawga Musharixiinta.
Kulanka ayaa looga hadlaya sidii ay midawga musharixiinta xubna ugu yeelan lahaayeen Shirka arrimaha doorashooyinka dalka.
Labada dhinac oo markii seddaxaad kulmaya ayaa la filaya in ay soo saaran heshiis gogol xaar u noqda kulamada Arrimaha doorashooyinka.