Deg-Deg: Qarax Ka Dhacay Muqdisho
Sheeko:Arrimaha Amniga
Wararka naga soo gaarayo agagaarka Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw uu ka dhacay Qarax Xoogan.
Qaraxan oo inta badan dhawaqiisa laga Maqlay degmooyinka gobalka Benadir ayaa ka dhacay Maqaayadda Luul Yamani oo u dhaw Xabsiga Dhexe.
Waxaana ay sheegayaan wararka aan ka heleyno in qaraxa uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabha qarxa oo la dhigay afafka hore ee maqaayadda.
Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa .