QM Oo War Ka Soo Saartay Qaraxii Muqdisho Ka Dhacay
Sheeko:Arrimaha Amniga
War k soo baxay xafiiska Qaramada Midobay ee Soomaliya ayaa lagu cambaareyay qaraxii xalay ka dhacay Agagaarka Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay QM ayaa lagu yiri ” Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay 5-tii Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay.”
Dhanka kale dowladda Turkiga ayaa cambareysay werarkii lagu qaaday Maqaayadda Luul Yamani.