Madaxweynaha Jubbaland Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho
Sheeko:Arrimaha Amniga
Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho Soo gaaray Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo.
Waftiga madaxweeynaha ayaa waxaa garoonka Aden Adde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinka tirsan dowladda.
Axmed madoobe ayaa magaalada Muqdisho waxa uu kaga qeyb gali doona shirka arrimaha doorashooyinka dalka oo maalmaha soo socda ka furmi doona Caasimadda.