Waddooyinka Muqdisho Oo Xiran
Sheeko:Arrimaha Amniga
Waxaa sakay gebi ahaanba xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.
Inta badan wadooyinka soo gaala wadada Maka Almukarama ayeey ciidamado ka celinayaan gadiidka dad weeynaha , iyadoo dadka ay lugta maalayaan.
Isgooyska bakaaraha, Tarabuunka iyo dhamaan wadooyinka soo gala wadada Maka Almukaramah ayaa ka mid ah wadooyinka xiran.
Illaa iyo hadda ma cadda sababta ciidamada ay u xireen wadooyinka .
Shacabka ayaana dhib badan kala kulmay xirnaanshaha wadooyinka caasimadda .