Jubbaland Oo Dowladda Federaalka Ku Eedeysay In Ay Gedo Hub Geysay Xilli Ay Ka Jirto Macluul
Sheeko:Arrimaha Amniga
Dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa goordhaw war ka soo saartay xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta gobalka Gedo , xilli dowladda ay geeysay ciidamo fara badan .
Qoraal ka soo baxay dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay xilli lagu howlan yahay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda bini aadanimo ee ka jirta gobalka , taas oo ka dhalatay khasaaro Naf iyo maalba leh , uu Farmaajo shalay geeyey ciidamo, Hub iyo sanaad dagaal.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in mas’uuliyadda wax walba oo halkaas ka dhaca uu qaadan doono Farmaajo .
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Ka Soo Baxay Dowlad Gobaleedka Jubbaland .