Talaalka Corona Virus Oo Gaaray Kismaayo
Sheeko:Arrimaha Amniga

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland soo gaaray diyaarad sidda Talaalka xanuunka Covid-19 .
Talaalkan oo laga qaaday magaalada Muqdisho laga qaaday ayaa la filaya in la gaarsiiyo dadka ku nool deeganada Maamulka Jubbaland .
Astrazeneca ayaa todobaad ka hor ka bilaawday magaalada Muqdisho , iyadoo Jubbaland ay noqoneyso Maamulki labaad oo uu gaaro talaalka, Horay ayuuna waxa uu u gaaray talaalka maamulka Puntland .
Deeganada Jubbaland ayaa waxa ay ka mid yihiin deeganada Muddooyinkii u dambeyay uu ku soo laba kacleynayay xanuunka Corona Virus .