Shirka Afisiyooni Oo Maalinti Labaad Furmaya
Sheeko:Arrimaha Amniga

Waxaa saacadaha soo socda Teendhada Afisiyooni ka Furmi doona Maalintii labaad shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka .
Shirkan oo shalay si hor dhac ah u bilawday ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Gobaleedyada dalka .
Madaxweeynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo , Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble , Madaxweeynayaasha Dowlad gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur galbeed iyo Maamulka Gobalka Banaadir ayaa kulama hor dhac ah yeeshay xilli ay ka maqnaayeen Madaxda dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland .
Kulanka ka dhacaya Afisiyooni ayaa waxaa gar wadeyn ka ah Xubnaha Beesha Caalamka iyo Taliska ciidamada AMISOM .