Wasiirkii Amniga Jubbaland Oo Xilka Laga Qaaday
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweeynaha Dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam Madoobe ayaa goordhaw xilkii ka qaaday wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan .
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweeynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in xilkii wasiirka Amniga laga qaaday Cabdirashiid Xasan Cabdinur Janan .
Wasiir Janan ayaa mudda dheer waxa uu soo ahaa wasiirka Amniga Jubbaland , isaga oo si aad ah uga aragti duwana dowladda Federaalka .
Saacadihi la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in wada hadalo uu u socdo wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Dowladda Federaalka.
Janan ayeey horay dowladda u xirtay iyadoo sheegtay in uu dambiyo dagaal iyo gabood falo bini’aadanimo ka geeystay gobalka Gedo, isagoo markii Dambe ka baxsaday Xabsiga .
Dhowr bil ka hor ayey aheyd markii ciidamada uu hogaaminayo Janan ay magaalada Beledxaawo dagaal kula galeen ciidamada dowladda Federaalka .
Hoos Ka Akhriso Wareegatada Xil ka qaadista